Horey waxaan idiin la wadaagay hordhac kooban oo ku saabsan
saamaynta togan iyo mida taban ee ay baraha bulshadu ku leeyihiin
bulshada Isticmaasha.
Maqaalkana haddii Eebe weyne ii suurtageliyo waxaan isku
dayi doonaa bal in aan idiin iftiimiyo khataraha ku gedaaman isticmaalka baraha
bulshada iyo raadadka xun ee ay leeyihiin aniga oo sii kala abla-ablayn doona
noocyada waxyeelooyinkan.
Cyberbullying/Xadgudubyada
Internetka ka dhaca.
Waxaa kamida noocyada khasaare ee ay leeyhiin baraha
bulshadu in qof lagu weeraro, lagu waxyeeleeyo, lagu cabsi geliyo, cidhiidhi
iyo xaalad xun la dareensiiyo iyada oo loo soo marayo Internet-ka. Maadaama ay
fududahay, qof kastaana uu samaysan karo xisaab facebook ama twitter ama nooc
kale oo baraha bulshada ah oo been abuur ah (Fake account) ayna adag tahay in
kofkaa la raad raaco (trace back). Xisaabtaasi oo uu u adeegsan karo in uu ku
handado shakhsi kale ama koox uuna ku faafin karo xog xasaasi ah oo ku
saabsan shakhsiga ama kooxda uu beegsanayo, xogtaasi oo noqon karta mid been
abuur ah ama run ah labadaba, sidoo kale waxa uu u adeegsan karaa in uu ku faafiyo
waxyaabo wax u dhimaya sharafta iyo sumcada uu qofkaasi/kooxdaasi ku dhex
leeyahay/leeyihiin bulshada isaga oo iska dhigaya qofkaa ama kooxdaa uu
beegsanayo, adeegsanayana faafin guud
(public posts), fariimo degdega (instant Messages), sawiro ama muuqaalo la been abuuray iyo wax
kasta oo uu ku dhaawici karo ama khasaare aan kasoo kabasho lahayn uu ku
gaadhsiin karo cidda uu beegsanayo. Dhacdooyinka noocani oo kale ah waxa loo
yaqaanaa afka qalaad (CYBERBULLYING)
waxa ayna khalkhal gelin kartaa nolosha qofka ama kooxda la beegsaday.
Waxa kale oo adeegsan kara xisaabaadka noocan ah gacan
saddexaad (third party) oo ka faa’iidaysanaya khilaaf ama xiisad u dhexaysa
laba dhinac oo kala aragti duwan ama si uun isugu qabtay maslaxad gaar ah ama
mid guud si ay dabka baasiin ugu sii qabtaan iyagoo hadafkoodu yahay in ay si
dadban (Indirectly) uga faa’iidaystaan khilaafkaa.
Soomaali ahaan waxaynu ku aragnaa facebook-ga bogag (pages)
ama Xisaabaad shakhsiyeed been abuur ah kuwaasi oo si weyn looga dheehdo baraha
bulshada gaar ahaan marka ay xiisadi taagan tahay sida khilaafaadka siyaasiga
ah. Iyaga oo iska dhigaya ama matalaya mid kamida dhinacyadaa oo suurad
xumaynaya dhinaca kale. Xisaabaadkaasi waxa ay noqon karaan kuwo ay isu
isticmaalayaan labada dhinac, kuwo ay isticmaalayaan dad ka madax banana labada
dhinac laakiin u arka fursad ay faa’iido gaar ah ka helayaan, amaba qaar aan
lahayn han iyo hami siyaasadeed iyo dan gaar ah toona laakiin doonaya keliya
falcelinta (Reactions) bulshada sida ka helid badan (Likes), faalooyin (Comments)
iyo wadaag (shares).
Haddaba haddii aad intaa ila fahanteen bal aan markana
idinku jalbeebiyo sheeko ama dhacdo xaqiiqo ah sababteeduna ay ahayd Facebook
page been abuur ah iyo fariimo loo soo dirayey dhibanaha dhacdadan sababayna geerida dhibanaha.
Is-dilkii
Brandy Vela, Dec,2016
Brandy Vela waxa ay ahayd gabadh 18 jir ah oo ku nool
magaalada Texas ee Carriga maraykanka. Waxaa Magaceeda lagu samaystay laguna
isticmaalay bar facebook been abuur ah waxaana la adeegsaday sawiradeeda waxa
had iyo jeer loo soo dirayey fariimo xad-gudub ah iyadoo lagu caayayo
miisaankeeda (malaha way buurnayde) sida warbixinta lagu sheegay, waxay
dareentay cidhiidhi, wayna adkaysan weyday kadib waxa ay go’aansatay in ay is
disho (Suicide). Ugu danbayn fariin ayey u dirtay waalidiinteed ay ugu
sheegayso in ay go’aansatay in ay is-disho kadib Bistoolad ayey soo qaadatay
laabta ayeyna iska toogatay sidaa ayeyna nolosha ku sagootiday.
Dhacdooyinka is dilka noocan oo kale ah kama dhacaan
bulshadeena Soomaaliyeed dhexdeeda inta badan haddii ay ka dhaceena anigu ma
maqal, waase dhici kartaa iyagoo ka waji duwan tan in ay dhacaan.
Talo soo jeedin
Haddaba akhriste waxaan kugula talinayaa in aanad ku
kadsoomin xogaha been abuurka ah ee lagu faafiyo baraha bulshada oo aanad iska
rumaysan wax kasta iyo sidoo kale cidda waxaa faafinaysa oo mar marka qaar laga
yaabo in ay iska dhigaan shakhsiyaad bulshada dhexdeeda sumcad ku leh oo la rumaysto si ay bulshada u
marin-habaabiyaan.
FG: Hadaba ka waran haddii
akhriste adiga laftaadu aad dhibane u noqoto ficiladan oo kale aadna aragto Magacaaga
iyo sawirkaaga oo ay adeegsanayaan dad aanad garanayn?
fadlan report garee kuna war
geli asxaabtaada si ay iyana u report gareeyaan oo kaaga caawiyaan in hawada
laga saaro xisaabtaa.
Maqaalada danbe Ayaan idin kula wadaagi doonaa haddii Alle
idmo noocyo badan oo ka mid ah Khasaaraha ama waxyeelooyinka Baraha Bulshada, Anigoo idin la wadaagi doona
dhacdooyin fool xun oo lagu burburiyey nolosha shakhsiyaad iyo qoysasba iyadoo
loo maray baraha bulshada.
Hadaba ha ka daalin in aad akhrisato lana socoto Maqaalada taxanaha
ah ee aan kaga hadli doono khasaaraha iyo Faa’iidooyinka baraha bulshada.
Mahadsanid
W/Q: Abdiasis Yousuf
Boobe