Blog Archive

Saturday, November 23, 2019

Soomaalida iyo Baraha Bulshada

Mowduucan kooban waxa aynu ku eegi doonaa saamaynta taban ee ay baraha bulshadu ku leeyihiin bulshada.
Marka aad u fiirsato dhamaan Caalamka baraha bulshadu waxa ay noqdeen qayb  ka mida nolol maalmeedka bulsha kasta; Marka aan ka hadlayo baraha bulshada waxaan u jeedaa sida Facebook, Twitter, Snapchat, Instigram, whatsapp, WeChat iyo qaar kaloo badan.
dhamaan kuwan aynu kor ku soo xusnay waxa ay leeyihiin faa'iidooyin iyo waxyeelooyin is barkan waana sidii Mindi laba af leh,kolba sida loo isticmaalo ayey ku xidhan tahay nooca saamaynta ama raadka ay reebayaan.
faa'iidooyinka ay leeyihiin waxaa ka mid ah in aad la xidhiidhi karto Ehelkaaga, Qaraabadaada,iyo Asxaabtaada weliba si sahlan, Waqti kooban iyo Qiime aad u jaban meel kata oo ay dunida ka joogaan. Halka waxyeeladooda ay ka mid tahay waqti lumis, Waxyeelo caafimaad, xogtii shakhsiga ahayd (Personal Privacy) oo dad kale ogaadaan taasi oo keeni karta khatar amni, iyo sidoo kale waxyeelo ay gaadhsiin karaan dhaqanka iyo anshaxa bulshada, waxa kale oo loo adeegsan karaa olole waxyeelo agu gaadhsiinayo cid gaar ama bulsho.
hadaba waqtiga oo ina ku yar daraadeed iyo idinka oo aan jeclayn akhrinta mawduucyada dhaadheer waxa aan si taxana ah idiinku soo gudbin doonaa haddii Alle idmo maqaalo aan kaga hadli doono Faa'iidooyinka iyo Waxyeelooyinka ama khasaaraha Baraha bulshadu ay u leeyihiin Shakhsiyaadka (Individuals) iyo Guud ahaan bulshada (public). Aniga oo weliba si gaar ah diirada u saari doona bulshadeena soomaaliyeed.
waxa aan sidoo kale idin la wadaagi doonaa dhacdooyin iyo sheekooyin xiisa leh oo ku saabsan mawduucan.
Mahadsanidiin


W/Q: Abdiasis Yousuf Boobe

No comments:

Post a Comment